Alkoholhjälpen Somaliska

Xaqiiqda khamriga iyo caafimaadka

Way sii badanaysaa dadka si joogtada ah u caba khamriga waanay ka sii tira badan tahay sidi hore. Khamriga waxaa badanaaba lagu xidhiidhiyaa xafladaha iyo nasashada, laakiin waxay leedahay xitaa ceeb iyo guul-daro marka qofku aanu maarayn karin isticmaalkiisa khamriga.

Way sahlan tahay in la rumaysto in dhibaatada khamrigu ay ku dhacdo dadka kale oo keliya. Badanaaba waxaa dhibaatada khamriga lagu xidhiidhiyaa dhibaatooyin bulsho sida shaqo-la’aan ama guri la’aan. Laakiin dadka aadka u caba khamriga badankoodu ma haysato dhibaato laga dareemi karo. Iyadoo la mid ah dadka caba sigaarka, aad wax u cuna ama jimicsigoodu yar yahay waxay badankoodu ku noolyihiin nolol aad caadi u ah oo leh shaqo, qoys, saaxiibo iyo guri.

Qiyaasti hal milyan oo qof oo jooga Iswiidhan ayaa leh caadooyin khamri kuwaas oo khatar dheeraad ah u leh tiro dhibaatooyin caafimaad iyo dhaawacyo ah oo ay ku jirto ku tiirsanaanshaha khamriga. Dadka badankoodu isuma arkaan inay aad u cabaan oo kama fikiraan in khamrigu keeni karo dhibaato caafimaad – laakiin si kastaba ha ahaatee waxay raad ku yeelataa jidhkooda. Qoraalkan waxad ka akhrisan kartaa siday tahay. 


Khamri intee le’eg ayaa khatar ah?

Isticmaal khamri oo khatar ah waa haddii aad cabto 14 koob ama ka badan toddobaadkiiba haddii aad tahay nin ama 9 koob ama ka badan haddii aad tahay haweenay. In la cabo oo la sakhraamo waxay mar kastaba tahay khatar sideeda ah. Haddii nin ahaan aad cabto wax ka badan 4 koob, ka badan 3 koob haweenay ahaan xilli hal mar oo isku mid ah, ama haddii dhiiggaaga ay ku jirto wax ka badan 0,6 kun meelood meel ahaan waxay tani xisaabsan tahay sakhraamid iyadoo aan loo eegayn haddii aad dareemaysid sakhrad iyo in kale. Haddii aad cabto wax ka yar heerarka kor lagu soo sheegay waxa badanaaba tani la xisaabiyaa inay tahay isticmaal khamri oo dhex-dhexaad ah.

Hal koob wuxu u dhigmaa quraarad biirka adag ah oo yar (33 cl), hal koob oo khamriga canabka laga sameeyo ah (10-15 cl) ama hal sharaab alkahool oo ka dhigan 4 cl oo khamrada culus ah
Hal biirka adag ah oo ka dhigan nus litir (50 cl) waxa u dhigantaa koob iyo badh.
Hal quraarad khamriga canabka laga sameeyo ah (75 cl) waxa ku jira 6 koob.
Hal quraarad khamriga culus ah (75 cl) waxa ku jira 18 koob.

Ma u fiicnaan kartaa caafimaadka in la cabo khamri yar?

Dad badan ayaa akhristay in isticmaalida khamriga oo dhex-dhexaad ah ay u fiicnaan karto caafimaadka. Waxa la aaminsanyahay in dadka waayeelka ah ee caba tiro yar oo khamri ah ay yaraan karto khatartooda dhinaca cudurada wadnaha iyo xididada dhiiga iyo xanuunka macaanka. Cilmi-baadhayaashu xilligan la joogo ma isku raacsana in khamrigu run ahaanti leeyahay awood ilaalin ah. Runtu waxay tahay in khamriga waxyeelooyinkiisa dhaawac ee badan darteed aan loo bixin karin talo caafimaad ahaan.

In si macquul ah loo cabo iyadoo aan loo cabayn isa sakhraamid micnaheedu waa inay xaaladaha badankooda leedahay khatar caafimaad oo aad u yar – iyadoo ay shuruud u tahay inaanad lahayn uur, niyad-jabsanayn, leedahay cudur beerka ah ama aan lagugu dawaynayn qaar ka mid ah dawooyinka. Markaasi waa in aanad cabin haba yaraatee.

Sidee ayay qofka u saamaysaa marka la cabo khamriga?

Haddii la galo baar habeen jimce ah waa suurtagal in dad badan oo lala kulmaa ay dhiiggooda ku jirto in ka badan 0,8 kun meelood meel ahaan. Laakiin waxa jirta tijaabo cilmi-baadhis taas oo muujisay in qofku ugu dareen fiican yahay ka hor intaan kor looga kicin 0,8 kun meelood meel ahaan. Khaladka aynu badanaaba samaynaa waa inaynu rumaysano inaynu xiiso sii badan helayno haddii aynu sii badino cabbitaanka, inkastoo horeba loo soo arkay inay tahay khalad. Markaasi waxad arki kartaa raad ku yeelashada dareemada iyo dabeecada* xilliga kala duwanaanshaha khamriga ku jira dhiiga ee kun meelood meel ahaan.

0,2 kun meelood meel ahaan: Saamaynta ugu horeysa ee khamriga ayaa la dareemaa. Waxad dareemaysaa diirimaad, dabacsanaan iyo farxad. Is-dhaleecayntaada ayaa sii yaraata.

0,5 kun meelood meel ahaan: Waxad dareemaysaa farxad aad ah oo wada hadal ayaad noqonaysaa. Dhaq-dhaqaaqyadaada ayaa noqda kuwo gaabis ah oo dhaq-dhaqaaqyadaada saxsanaantoodu way sii yaraataa. Garashadaada saafi maaha oo awooddaada in la dhuuxo macluumaadka ayaa sii xumaata.

0,8 kun meelood meel ahaan: Waxad bilaabaysaa inaad buuq badato oo xarakaadkaagu ma isku dheellitirna. Araggaagu wuu ka sii xumaadaa sida uu yahay caadi ahaan. Waxa kaa uraya khamri oo si buun-buunis ah ayaad isugu kalsoonaataa.

1,0 kun meelood meel ahaan: Waad gunuunucaysaa oo waxa sii xumaata maamulidda muruqyada iyo dareemada labadaba.

1,5 kun meelood meel ahaan: Waxa adayg noqota inaad hayn karto isku dheellitirnaantaada oo laga yaabee inaad dhacdo. Waxad yeelan kartaa burqasho dareen iyo yalaalugood.

2,0 kun meelood meel ahaan: Waxa kugu adag inaad hadasho iyo inaad toos u socoto. Waxad aragtaaba waa labo.

3,0 kun meelood meel ahaan: Ma fahmaysid waxa dhacaya oo waxad xadka u saaran tahay inaad suuxdid.

4,0 kun meelood meel ahaan: Miyir la’aan ayaad gashay. Waxad u neefsanaysaa si qun yar ah oo waxad khatar ugu jirtaa inaad u dhimato ku sumoobid khamri.

*Suurtagal maaha in si sax ah loo sheego saamaynta tirada khamriga ay ku leedahay qof gaar ah, maadaama qofka cabay khamri badan muddo dheer uu adkaysi u yeeshay khamriga oo aanay raad aad u badan ku yeelan. Ka fikir in khatarta waxyeelo iyo dhibaato caafimaad ee la xidhiidha khamriga aanay u yaraanayn oo keliya in qofku yeeshay heer u adkaysi oo sarreeya.

Sidee ayay isticmaalidda badan ee khamriga ah u saamaysaa caafimaadka?

Khamrigu wuxu gaadhaa dhammaan xubnaha jidhka oo raad ku yeeshaa gebi ahaanba jidhka oo dhan, gudo iyo dibed labadaba. Sida ay sheegtay ururka caafimaadka aduunka, WHO, waxa jira in ka badan 60 cudur oo xidhiidh la leh isticmaalida badan ee khamriga. Dadku ma u baahna inay ku tiirsanaadaan khamriga si ay ugu dhacaan cudurada la xidhiidha khamriga, xitaa dadka aad u caba ee aan ku tiirsanayn ayay ku dhacdaa.
Maskaxda
Xitaa tiro yar oo khamri ah ayaa kugu keenta in ay sii xumaato garashada, awoodda fikirka, xusuusta iyo awoodda ficil-celinta. Waxa xumaanaysa hurdadaada oo raad ayay ku yeelataa dareemada. Marka loo isticmaalo si sarreysa oo muddo dheer ah waxa yaraanaysa maskaxda oo waxa kugu dhici karta suuxdin, ilowshiyo ama cuduro maskaxda ah oo kale.
Murugo
Khatarta in ay kugu dhacdo murugo ayaa si xoog leh u korodha marka isticmaalida khamriga ay sarrayso. Nus ka mid ah dhammaan naftood-dilayaasha Iswiidhan waxay la xidhiidhaan khamriga.
Wadnaha iyo xididdada dhiigga
Qaadasho kamri oo hoosaysa ama dhex-dhexaad ah wax saamayn ah waxyeelooyin muuqda ma ku keenaan wadnaha iyo xididdada dhiigga. In la cabo tiro badan oo khamri ah waxay keentaa khatar waxyeelooyin. Garaaca wadnaha iyo cabbirka dhiigga ayaa kordha marka aad cabayso khamriga. Khatarta isbaddelka wadnaha ee garaacyo kala duwan ayaa korodha , tusaale ahaan garaacidda wadnaha oo aan joogto ahayn. Isticmaalida khamriga maaha mid lagu talinayo si looga hortago cudurada xididdada dhiigga.
Uurka
Dhalitaanku wuu yaraada marka la isticmaalo khamri badan dhinaca haweenka iyo nimanka labadaba. Ilmaha uurka ku jira raad ayay ku yeelataa haddii hooyadu cabto khamriga xilliyada dhammaan qaybaha uurka, laakiin gaar ahaan marxaladda ugu horreysa – xitaa ka hor iyadu intaanay si hubaal ah u ogayn inay uur leedahay. Haddii aad tahay haweenay uur leh ama ku talo jira inaad yeelato, waxa ugu fiican inaad gebi ahaanba iska deyso khamriga.
Beerka
Khamrigu wuxu kordhiyaa khatarta kansarka beerka waana sabab caadi u ah baruurta beerka, cagaarshowga iyo duuduubanka beerka.
Maqaarka
Isticmaalka khamrigu waxay kordhisaa khatarta ama sii xumaysaa xanuunka maqaarka sare ku dhaca, cambaarta iyo dhibaatooyin maqaar oo kale.
Caloosha
Isticmaalida badan ee khamrigu waxay kordhisaa khatarta gaasteriga iyo cillada caloosha.
Qalfoofka
Isticmaalida badan ee khamrigu waxay kordhisaa khatarta lafaha oo ku jaba si sahlan iyo cudurka lafa-xanuunka.
Dhiigga
Khamrigu wuxu joojiyaa dhuuxa dhiigga awooddiisa in la dhiso unugyada dhiigga oo waxay keeni kartaa dhiig yaraan.
Infekshanada
Saamaynta khamrigu ku yeesho dhuuxa dhiigga ayaa raad ku yeelata unugyada cad ee dhiigga kuwaas ay tahay inay jidhka ka difaacaan infekshanada. Tani waxay keentaa infekshano badan, tusaale ahaan hargabyo soo noq-noqda oo muddo dheer qaadanaya. 



Kansarka
Khamrigu waxu kordhiyaa khatarta kansarka ee xubnaha jidhka oo dhowr ah. Xidhiidhyo cad ayaa jira dhinaca kansarka afka iyo hunguriga, kansarka beerka, kansarka naasaha iyo kansarka mindhicirka weyn.

Waa kuwee khataraha kale ee ku jira cabitaanka khamri badan?

Shilal
Marka qofku ku sakhraansanyahay khamri waxa qofkaasi ku jiraa khataro waaweyn. Sannad kastaba qiyaasti 3000 oo qof ayaa ku dhinta shilal gudaha Iswiidhan. Qiyaasti saddex meelood meel ahaan ka mid ah waxa qayb ka ah khamriga. Dadka caadi ahaan ah kuwo si yar ama dhex-dhexaad u caba, laakiin mar mar ku sakhraama cabitaanka, kuwaas ayaa sabab u ah qayb weyn oo ka mid ah shilalkan.

Dagaal
Sida ku xusan tirakoobka dembiyada qayb weyn oo ka mid ah jidh dilka iyo dembiyada dagaalka ee kale labadabu waxay la xidhiidhaan isticmaalka khamriga ee dhinaca dambiilaha iyo/ama dhinaca dhibbanaha.

Dhibaatada xidhiidhka
Isticmaalida badan ee khamriga waxay dhaawacdaa xidhiidhka waxayna xumaysaa xidhiidhka lala leeyahay dadka qofka ugu dhow. In ka badan hal milyan oo qof gudaha Iswiidhan oo si dhow ula nool qof aad u caba ayaa sheega inay raad xun ku yeelatay.

Sigaar cabista iyo khamriga
Maan-dooriyayaasha kala duwan way iskaashadaan, tusaale ahaan khamriga iyo nikotiintu si isku mid ah ayay raad ugu yeeshaan nidaamka abaal-marinta ee maskaxda. Waxa intaasi sii dheer in la aaminsanyahay in nikotiintu ay kordhiso u nuglaanshaha khamriga. Sidaas darteed qofki doonaya inuu baddelo isticmaalidiisa khamriga waxa faa’iido u noqon karta in si isku mar ah loo joojiyo cabista sigaarka iyo buuriga dibnaha hoostooda la geliyo. Isla qaabkaas mid la mid ah ayay u fududaan kartaa in la joojiyo tobaakada haddii si isku mar ah la yareeyo ama la joojiyo cabitaanka khamriga.

Waa maxay ku tiirsanaanta khamrigu?

Ku tiirsanaanta khamriga waxa loola jeedaa in in qofku sii wado in la cabo khamri badan inkastoo ay saamayn xun ku leedahay caafimaadka, xidhiidhka iyo xaaladaha bulsho ee qofka. Qofka ku tiirsan waxa badanaaba qabata u baahashada khamriga waanay ku adagtahay in la xadeeyo tirada khamriga. Badanaaba, laakiin maaha mar kastaba waxa soo baxda u adkaysiga khamriga, markaasna qofku wuxu u baahanayaa inuu si dheeraad ah u cabo si loo helo saamayn, ama iska deynta khamriga, taas oo keeni karta dareeno aan fiicnayn oo tiro badan marka qofku joojiyo cabista. Ku tiirsanaanta micnaheedu dad badan waxay u tahay in khamrigu uu door muhiim ah ku yeesho nolosha iyadoo ay taasi ka go’ayso waxyaabo hore u ahaa muhiim, tusaale ahaan xidhiidhyada, nolosha shaqada ama xiisaha wakhtiga xilli-firaaqaha. Qofka ku tiirsan wuxu marar badan ogyahay in khamrigu yahay dhibaato, laakiin haddana ma xadayn karo ama joojin karo cabitaanka khamriga.
Qaybahan 6-da ah ee soo socdaa waa wax caadi ah xilliga ku tiirsanaanta khamriga. Si loo helo ku sheegida in lagu tiirsanyahay khamriga waxa shuruud ah in qofku uu isku arkay ugu yaraan saddex ka mid ah si isku mar ah, 12-ki bilood ee ugu dambeeyay.

hamuumid xoogan ama isku khasbid in la cabo khamriga, ama ´´u baahasho adag´´
ku adkaansho in xad loo yeelo intay leegtahay qofka cabitaankiisa, ama ´´awooda kantaroolida oo la waayo´´
isticmaalida khamriga oo keenta in wakhti aad u yar la siiyo shaqada, xiisaha wakhtiga xilli-firaaqaha ama wada socodka dadka kale
tiro badan oo khamri ah oo loo baahdo si loo helo saamayn la mid ah tii hore (dulqaadasho)
gacmo gariiraya, dhididyo ama wel-wel ka dib marka qofku uu yareeyo ama joojiyo cabitaanka (iska deynta khamriga)
qofka oo sii wada cabista inkastoo qofku ogyahay in khamrigu keeno dibaatooyin jidh ahaan ama maskax-ahaan 


Diyaar ma u tahay inaad baddesho cabistaada?

Dad badan waxay ku fikiraan in ay aad u adagtahay in wax laga baddelo isticmaalkooda khamriga. Laakiin run ahaanti qaar badan waxay tani uga sii sahlantahay marka loo eego in la joojiyo sigaar cabista oo waxa qaabab badan u eegtahay sida marka wax laga baddelayo caadyooyinka cuntada ama in la bilaabo jimicsi.

Waxa hubaal aad u aragtaa inay jiraan faa’iidooyin iyo dhibaatooyin labadaba dhinaca cabista khamriga – sidaasi ayay la tahay dadka badankooda. Laakiin maxaa ugu muhiimsan? Waa adiga oo keliya qofka go’aamin waxa adigu ku khuseeya iyo sida aad doonaysid inay kuu noqoto. Laba midkood ama inaad ku sii socotid sidaad samaysay ilaa hadda ama inaad wax ka baddesho isticmaalkaaga khamriga.

Talaabo fiican oo la qaato, iyadoo aan loo eegayn inaad go’aan gaadhay ama haddii weli aanad hubin, waa in la caddeeyo daliilaha adiga muhiimka kuu ah iyo qofka aad doonaysid inaad noqoto.

Sameyso hadef

Uma baahnid inaad go’aansatid sida aad samaynayso noloshaada inta ka hadhsan oo dhan. Haddii aad doonaysid fulinta is-baddel waxa taageero fiican ah in la haysto hadef cad oo loogu talo galay wakhti go’an. Laakiin maxaa ah macquul? Miyaad is-xadeyneysaa oo u cabaysaa si dhex-dhexaad ah misse waxa si fiican kuugu haboon inaad si gebi ahaanba ah aad khamri la’aan u ahaato wakhti cabaar ah?

Bilow is-baddelkaaga

Hubi inaad samayso is-baddelo dhowr ah dhinaca nolol maalmeedkaaga kuwaas oo kaa caawinaya inaad gaadho hadefkaaga. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan sida; in aan lagu kaydsan guriga, cabitaanada khamriga ah lagu baddelo kuwa aan lahayn khamriga, in lala socdo asxaabta ku taageeri kara ama in la bilaabo hawl cusub oo xiiso leh xilligan maadaama aad horey u cabi jirtay khamriga.

Daraasad isku samee

Iyadoo aan loo eegayn sababta aad beri hore u bilowday inaad si dheeraad ah u cabto haddana isticmaalidaada khamrigu waxay imminka la socotaa nolol maalmeedkaaga, caadooyinkaaga iyo nidaamyadaada maalinlaha ah. Haddii aad soo ogaatid xaaladaha, fikiryada iyo dareemada aad la xidhiidhiso khamriga markaasi waxad haysataa fursad weyn oo ah inaad raad ku yeelato isticmaalkaaga khamriga sidi aad u rabtay.

Raadso doorashooyin kale

Mararka qaarkood waxa khamrigu soo ahaa xal kooban oo ku aadan dhibaatooyin kale oo aad soo aragtay (tusaale ahaan hurdo yaraan, wel-wel ama dhibaato xidhiidh). In la bilaabo caadooyin cusub oo la helo xalyo fiican oo ku aadan dhibaatoyinka aad lahayd waxay keenaysaa inay sahlanaato in la iska daayo cabis aad u badan.

Caawimaad raadso

In la haysto qof lala hadlo oo kaa caawiya in laga hadlo fikiryada iyo dareemada oo kugu taageera is-baddelka aad isku deyeysid inaad samayso waa wax fiican iyadoo aan loo eegin inuu qofkaasi yahay saaxiib, xubin qoyska ah ama qof xirfad u leh.

Markiba ha is dhiibin

U arag in is-baddelka isticmaalka khamrigu yahay hadef aragti dheer ah. Oggolow in guul darrooyin iyo talaabo dhinaca khaldan loo qaadaa ay iman karto jidkan inta la hayo oo ha oggolaan in tani aad siiso wakhti dheer ama ay ku joojiso. Waxad haysataa isku deyo badan oo aad doonaysid inaad wax kaga baddeshid isticmaalkaaga khamriga.

Haddii aad doonaysid inaad qof ka tirsan daryeelka caafimaadka kala hadasho isticmaalkaaga khamriga waxad xaq u leedahay qarsoodi buuxa. Waxa kale oo aad heli kartaa caawimaad leh turjubaan. Wixi dheeraad ah waxad ka akhrin kartaa 1177.
https://www.1177.se/so-so/other-languages/other-languages/